Dalab laga gudbiyey dhakhaatiir lagu haysto Soomaaliya oo la diidey

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa diidey dalab ka yimid dhigeeda Cuba oo ku saabsanaa in wadahadalo lala galo Al-Shabaab si loosoo daayo dhakhaatiir u dhalatay dalkaas oo maleeyshiyaadka afduubteen.

Ku dhowaad tobban bilood, Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez ayaa ku jira gacanta xoogagaas, oo dalbanaya madax furasho.

Labadooda ayaa bishii April sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii laga qafaashay magaaladda Mandera ee gobolka waqooyi barri Kenya.

Cuba, oo saaxiib dhow la lah Kenya isla amrkaana u soo dirtay dhakhaatiir haatan ku sugan Nairobi, ayaa gedaal ka riixeysa wada-xaajoodyo lala galo Al-Shabaab si loo xaqiijiyo badqabka howlwadaanadaas.

Miguel Diaz-Canel, madaxweynaha Cuba, ayaa in qorshahaas uu u xilsaaray ku xigeenkiia, Maria Chapman, si uu Kenya ugu qanciyo in ay magdhow siiso ururka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sidda xogta lagu helayo, Al-Shabaab ayaa codsatay in la siiyo madax furasho aduun lacageed gaaraya 1.5 milyan oo Doolar-ka Mareykanka.

Xukuumadda Nairobi ayaa mar sii horeysay ka hor-timid qorshe kasta oo muujinaya "daciifnimo" oo lagu soo furanayo xubnahaas.

Kenya ayaa ku adkeysatay in ay awood ciidan kusoo furanayso dhakhaatiirta oo aan wali la ogayn halka ay ka joogaan Soomaaliya.

Afduubka, dilalka qorsheysan iyo weeraradda ka imaanaya Al-Shabaab ayaa korodhay tan iyo markii Kenya ciidamadeeda kusoo daabushay Jubaland, halkaasoo ay ka sugayaan ammaanka qaranka wadankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM