Danjiraha South Africa: Kama qoomameynin in la iga soo eryay Mareykanka

Image

CAPE TOWN - Danjiraha Koonfur Afrika ee Maraykanka Ebrahim Rasool, ayaa sheegay inuusan waxba ka qoomameynin go'aanka Maamulka Trump igu soo saarey Washington.

Ebrahim Rasool oo 62 jir ah, ayaa dalka South Africa ku laabtay Axadii shalay, waxaana si diirran ugu soo dhaweyay kumanaan taageerayaal ah oo ku sugan Garoonka Caalamiga ah ee Cape Town.

Xiisadaha u dhexeeya South Africa iyo Maraykanka ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Donald Trump uu xilka qabtay bishii January. Ebrahim Rasool ayaa lagu eedeeyay in uu yahay shaqsi "ka soo horjeeda Maraykanka" kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu ku tilmaamay Ebrahim Rasool "siyasi u ololeeya kala qaybsanaanta iyo nacaybka".

Eedayntan ayaa timid kadib markii Ebrahim Rasool uu sheegay in Trump uu "sare u qaadey awoodda dadka cadaanka" isagoo sheegay in dadka madowga ee Maraykanka ay wajahayaan cunsuriyad iyo xad-gudub kale oo kala kulmayaan kuwa midabka cad ee isku haysta inay iyaga kaliya muwaadiniin yihiin.

Ebrahim Rasool ayaa ka difaacay hadalladiisa, isagoo sheegay in uu jeediyay "digniin" ku saabsan isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacaya Maraykanka, iyo sida dadka cadaanka ah ay ula macaamilayaan Madowga Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Ka Dhacay Nigeria oo Sababay Khasaare Naf iyo Maalba leh

Waxaa la filayaa in dowladda hoose iyo hay’adaha ammaanka ay war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan saacadaha soo socda.

  • Afrika

    22-10-2025

  • 10:33AM

Masar oo Mar Kale Ka Digtay Khataraha Biyo-xireenka webiga Niil

Madbouly ayaa sheegay in waddamada ku yaalla hareeraha webiga Nile ay la tacaalayaan caqabado la xiriira wadaagista kheyraadka biyaha.

  • Afrika

    18-10-2025

  • 01:47PM