Shirkii saddex-geesoodka ee Farmaajo, Abiy iyo Uhuru oo dib-u-dhacay

Image

NAIROBI, Kenya - Shirkii laba-geesoodka ahaa isla markaana qorshuhu ahaa ay 16-ka Maaj, 2020 ay Nairobi ku yeeshaan hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib-u-dhacay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo ku dhawaaqdey baaqashada ayaanan soo bandhigin sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas.

Qoraal ay u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayay cudurdaar kaga muujisay dib-u-dhac oo ay ku qeexdey "mid laga foqsan waayey".

Warqadda oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta ayaanan lagu soo bandhigin taariikhdi xigta oo uu qabsoomi doono wadahadalkaas.

Madaxweyneyaasha ayaa ka arrinsan lahaa qodobo muhiim ah oo xal loogu raadinayo khilaafka Muqdisho iyo Nairobi ee xiisada sohdinta.

Bayaanka waxaa kasoo dhex-muuqdey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa wadahadalka, wallow aan horey loosii shaacin.

Abiy ayaa la fahansan yahay in uu ka shaqeeyay in Farmaajo uu telefoonka kula hadlo Uhuru kadib cadaadis kaga yimid Mareykanka.

Inkastoo aysan noqon lahayn markii koowaad, tani ayaa macnaheedu tahay in shirka uu noqon lahaa mid saddex-geesoodka ah.

Dhinaca kale, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaanan wali ka jawaabin dib-u-dhac ku yimid wadaxaajoodyadda xasaanada leh.

Cilaaqaadka Muqdisho iyo Nairobi ayaanan wanaagsaneyn bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana mar walba oo xoogaa isu soo dhowaanshiyo ay soo ifbaxdo saameynayey mawduucyo ay isku qabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM