Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay Bahir Dar

Image
Ma cadda in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil ciidan iyo wakiilo ka socda dowladda, sida ay ku warrantay Borkena News.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka Itoobiya ayaa Sabtidii ku burburtay magaalada Bahir Dar, sida ay sheegtay warbaahintu.

Ma cadda in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil ciidan iyo wakiilo ka socda dowladda, sida ay ku warrantay Borkena News.

Shilkan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke ee magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa warbaahinta Meseret u sheegay in shilku uu dhacay, balse faah faahin dheeri ah lagama bixin.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo waxa sababay.

Waxaa la hakiyay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka soo dagaya magaalada Bahir Dar oo ay ku jiraan kuwa Ethiopian Airlines, sida ay sheegeen rakaabka iyo ilo-wareedyadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM

Khalifa Haftar iyo Wakiilka QM ee Libya oo Ka Wadahadlay Qorshe Siyaasadeed Cusub

Libya ayaa qaran bur bur ku dhacay markii la riday dowladdii Qadaafi 2011, iyadoo dalka noqdey marinka Yurub.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 08:35AM