Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta oo wada-hadalo yeeshay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kenya, Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta, ayaa wada-hadalo ku yeeshay Aqalka Cad.

Kenyatta oo shalay galab tegay guriga looga arimiyo Mareykanka ayaa loo galbiyey xafiiska Oval, halkaasoo Trump ay ku shireen.

Is-aragga kadib, Trump ayaa sheegay in heshiiskii ugu horeeyay ee dhexmara Mareykanka iyo Kenya "ay u badan tahay in uu dhacdo".

Dhankiisa, Kenyatta oo su'aal arrintaas ku saabsan la waydiiyey ayaa ku jawaabay "waa wax u badan in ay dhici karto".

"Heshiiskaan ku saabsan ganacsiga ma saameyn doono xiriirka ganacsi ee nagala dhaxeeya wadamadda kale," ayuu raaciyey.

Isagoo ka hadlayey madasha Athlantic Council, Kenyatta ayaa kasoo horjeestay dagaal ganacsi oo dhexmara Mareykanka iyo Shiinaha.

Washington iyo Bejing ayaa ku loolamaya suuqa hodanka ah ee Afrika, halkaasoo China uu sanadihii dambe aad ugu xooganaa.

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya in uu dhimo joogitaanka Mareykanka ee Afrika, si uu diiradda saaro Ruushka iyo China.

Kenya ayaa xulafo muhiim ah u ah Mareykanka si gaar ah dagaalka argagixisadda. Askar badan oo Ameerikaan ayaana ku sugan dalkaas.

Al-Shabaab oo khatarta ugu weyn ah ayaa bishii hore weerartay xerada Manda Bay ee Mareykanku degan yahay ayaa dishay saddex Ameerikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM