Dowlad ku meelgaar ah oo looga dhawaaqay Mali kadib afgembi ciidan

Image
Image

BAMAKO, Mali – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Mali, Ba N'Daou, ayaa loo magacaabay madaxweynaha dowlad cusub oo ku meelgaar ah taasoo laga yagleelay waddankaas kadib afgembigii milatarigu sameeyay.

Hogaamiyaha dowladda milatariga Korneyl Assimi Goita ayaa dhankiisa waxaa loo xushay madaxweyne ku xigeenka, sidda uu Isniinta maanta ah baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda.

Sidda laga soo xigtay qorshe ay riixeyso dowlada milatariga, madaxweynaha cusub wuxuu hogaanka haynayaa bilooyin kahor inta aan la qaban doorashooyin xukunkana dib loogu soo celin dowlad rayid ah.

Ciidamada xukunka qabsaday 18-kii August ayaa wajahay cadaadis culus oo kaga yimid deriskooda dhaca Galbeedka qaarada Afrika, waxaana loogu baaqayay in ay awooda dib ugu celiyaan dadweynaha.

Milatariga ayaa xukunka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita kaasoo ku fashilmay in uu xaliyo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay dib u doorashadiisa taasoo ay ka gadoodeen mucaaradka.

Todobaadkii hore, hogaamiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in madaxweynaha ku meelgaar ah uu noqdo rayid, iyagoo ku xigeenka u daayey in uu noqdo askari.

N'Daou iyo Goita ayaa waxaa soo doortay koox guddi doorasho ah kuwaasoo ay soo xulatay dowladda milatariga hor-boodayo, taasoo haatan u muuqaneysa in uu soo afjarmayo waayaheeda hogaaminta qarankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM