Eritrea oo "kumanaan askar" ku biirisay colaada Tigray

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa u maleyneysa in ciidamadda Eritrea ay kasoo talaabeen xuduudkooda si ay u taageeraan dhigooda Itoobiya ee gobolka Tigray kula dagaalamay xoogaga TPLF, sidda ay warisay Reuters.

Wakaaladda wararka ayaa soo xigtay illo wareedyo xukuumadda Washington ka tirsan iyo shan diblumaasi kuwaasoo u sheegay in warbixin ay diyaariyeen muujineyso in Asmara ay door ka cayaartay colaadda dhiiga ku daatay.

Warbixinta oo gabagabo mareysa ayaa caddeyn ahaan waxay u soo qaadatay sawirro lagu qaadey satellite-ka iyo xiriiro dhexmaray milatariga labada dal.

"Wax laga sii shakiyo ma jiraan. Waa wax ay kawada hadleen mas'uuliyiinta Mareykanka. Kumanaan askar Eritrea ah ayaa ku sugan gobolka Tigray. Balse waxay si furan uma sheegayaan," ayuu yiri diblumaasi u waramay jariirada.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso warbixinta. Balse afhayeen u hadlay wuxuu ka dhawaajiyey in ay jiraa caddeymo tusinaya in Eritrea ku lug-yeelatay colaadda wuxuuna muujiyey walaaca.

Balse, wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Cismaan Saalax Maxamed, ayaa beeniyay eedeynta, isaga oo iri "Kuma lug-yeelan. Waa daayacad".

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay qashinka ku dartay in dalkii colaadda kala dhaxeysay uu haatan garab-taagan yahay wallow Abiy Axmed uu todobaadkii hore sheegay in ay jiraan dowlado caawimaad siinaya waddankiisa.

Hasa ahaatee, afhayeenkiisa wuxuu diidey in dowladahaas ay kamid tahay Eritrea ama uu carabaabo guud ahaan magacyada dalalka taakuleynaya.

Sheegashooyinka ka imaanaya dhamaan dhinacyadda isku-haya ama ku lugta leh colaadda Itoobiya ayaan si madax-banaan loo xaqiijin karin maadaama isgaarsiita Tigray ay hawada ka maqan tahay ayna maamusho xukuumada Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM