Ethiopia oo xanibtey akoono lala xiriirinayo hogaanka jabhadda TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa Talaadaddii xannibtay akoono shirkado ganacsi kuwaasoo la sheegay in lala xiriirinayo hoggaamiyeyaasha Jabhada Xoreynta Tigreega ee loo yaqaano TPLF.

Xeer ilaaliyaha guud ee dawlada federalka ayaa bayaan soo saaray Talaadadii, isagoo taxay 34 hay'adood oo ganacsi kuwaas oo akoonadooda bangiyada la xanibay, wuxuuna sheegay inay jiraan cadeymo muujinaya in shirkadahaasi ay ku lug leeyihiin maalgalinta "TPLF" iyo isku-dayo uu tibaaxey in lagu khalkhalgelinayo kala dambeynta dastuuriga ah.

Shirkadaha la mamnuucay ayaa ka shaqeeya arrimaha maaliyada, macdanta, dharka, dhismaha, ganacsiga jumlada, gaadiidka, waxsoosaarka iyo qeybaha kale, waxaana inta badan la sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin kooxda TPLF.

Hay'adaha waxaa kamid ah shirkadda dhismaha ee Sur, oo ah mid ka mid ah shirkadaha dhismaha ee ugu waaweyn dalka, Guna Trading Enterprise, Almeda Textile Manufacturing, Mesebo Cement Factory, iyo Trans Ethiopia, oo ka shaqeysa arrimaha gaadiidka iyo ganacsiga shisheeye.

Intaa waxaa dheer, shirkadda soo saarta dawooyinka ee Addis Pharmaceutical, Mining, Izana Mining, Mesfin Industrial Engineering, Selam Public Transport Association, iyo Mega Printing Company, oo ah shirkad daabacaad.

Xiritaanka xisaabaadka shirkadaha ayaa timid labo todobaad kadib markii ay dowladu talaabo ka qaaday ciidamada gaarka ah ee Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF.

Cunaqabateynta dhaqaale ayaa timid markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay in la soo afjaray cafis seddex maalmood ah oo loo fidiyey hoggaamiyeyaasha kooxda TPLF inay isku soo dhiibaan dowladda. Horjoogayaashan waxaa doon-doonaya booliska Itoobiya.

Fariin uu soo dhigay bogaga uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu Abiy ku xusay in qaar kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Tigreega iyo maleeshiyada ay "si nabad galyo ah isu soo dhiibeen si ay u badbaadiyaan naftooda iyo dadkooda".

Inkasta oo uusan shaacin tiradda guud, haddana wuxuu ku goodiyey in tiradda ka baaqsatay isu soo dhiibitaanka ay la kulmi doonan cawaaqib.

Dhanka kale, Boqortooyada Midowday ee UK waxay Talaadadii ku biirtay baaqyadda caalamiga ah ee ka imaanaya beesha caalamka ee ku boorinaya Itoobiya in ay yareyso xiisadaha ka jira shacabka dartiis.

"Boqortooyada waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay wararka sheegaya rabshadaha sii kordhaya ee ka imaanaya Itoobiya," James Duddridge, Wasiirka UK ee Afrika, ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

Colaadda ka oogan waqoyga Itoobiya ayaa gashay todobaadkii labaad. Geerida boqolaal ay shacab iyo askar kamid yihiin ayaa lasoo wariyey, kumanaan kale waxaa lagu waramay in ay ku barakceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM