Hogaamiyaha Burkina Faso oo walaac ka dhaliyay caleema saarka Madaxweynaha Ghana

Image

ACRA, Ghana - Hogaamiyaha militariga Burkina Faso Capt Ibrahim Traore ayaa walaac dhaliyay kadib markii uu Talaadadii ka qeyb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha Ghana John Mahama isagoo bastoolad xiran.

Qaar kamid ah dadka xafladda ku sugnaa, ayaa ku tilmaamay tallaabadan aan caadiga ahayn inay tahay xadgudub lagu sameeyay hab-maamuuska amniga Madaxweynaha cusub ee Ghana.

Kuwo kale ayaa u arkay in ay tahay kalsooni darro ku jirta Traore xili ay saraakiisha amniga Ghana ay si ay u ilaalinayaan madaxda kaqeybgashay caleema-saarka oo uu kamid yahay hogaamiyaha militeriga Burkina Faso.

Ma cadda in Traore uu fasax u haystay qaadashada hubka iyo in kale, balse xukuumadda cusub ee Ghana kama aysan jawaabin arintaas.

John Mahama ayaa xilka loo dhaariyay kadib markii uu si weyn uga adkaaday musharraxa xisbiga talada hayay ee Mahamudu Bawumia doorashadii bishii hore.

Traore, ayaa ka mid ahaa 17-ka madax ee ka qeyb galay caleema-saarka, waxaana booqashadiisa ay ku soo beegantay xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka taagan tahay Galbeedka Afrika.

Burkina Faso, ayaa kamid ah dhowr dal oo galbeeka Afrikaku yaalla, oo ay ku jiraan Mali iyo Niger, ayaa ka go'ay urur goboleedka Ecowas si ay u sameeyaan isbahaysi cusub maadaama xukunada militeri ee ka jira laga diiday inay shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM