Hogaamiye mucaarad dibad-joog ah oo gilgilay dalka Mozambique

Image
Venancio Mondlane ayaa ku dhawaaqay inuu ku laabanayo dalkiisa kahor inta aan la dhaarin madaxweynaha la doortey.

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka waddanka Mozambique, Venancio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu dalkan laaban doono toddobaadka soo socda ka hor caleema-saarka madaxweynaha cusub.

Venancio Mondlane ayaa in ka badan laba bilood waday mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen oo lagaga soo horjeeday natiijada doorashada lagu muransan yahay ee ka imanaya dalka dibaddiisa.

"Khamiis, Janaayo 9-keeda, saacadu markay tahay 8:05 daqiiqo af badan, Venancio Mondlane wuxuu joogi doonaa garoonka caalamiga ah ee Mavalane," ayuu ku yiri bartiisa Facebook-ga.

Wuxuu ka tagay Mozambique qiyaastii 21-kii Oktoobar, isagoo sheegay inuu naftiisa u baqay markii uu ka soo horjeeday natiijadii doorashadii madaxtinimo ee 9-kii Oktoobar taasoo ka dhigtay inuu ku soo baxo musharraxa xisbiga talada haya ee Frelimo.

Madaxweynaha la doortay ee Daniel Chapo ayaa lagu wadaa in xilka loo dhaariyo 15-ka bishan Janaayo. Lama saadaalin karo waxa dhici kara haddii siyaasigan uu ku laabto dalkan.

Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay Mozambique kadib markii maxkamadeyn muran dhalisay ay taageertay dib u doorashada Daniel Chapo, oo ah musharraxa talada haya ee Frelimo, xisbiga talada haya tan iyo xornimada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM