Isbaheysigii mudada dheer xukumayey Itoobiya oo ruqsada lagala laabtey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa maanta ruqsada kala noqdey mid kamida isbaheysiyada siyaasadeed ee ugu tunka weynaa dalkaas, sidda ay qortay warbaahinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey in go'aankaan ay qaateen kadib markii warqad ay ka heleen guddoonka "oo sheegay in aysan wax badan sii jiri doonin".

EPRDF waxaa ku mideysanaa; Tigray Peoples Liberation Front [TPLF], Amhara Democratic Party [ADP]; Oromo Democratic Party [ODP] iyo Southern Ethiopian People’s Democratic Movement [SEPDM].

Isbaheysiga EPRDF ayaa dalkaas xukumayey muddo 28-sano kahor inta aan la bedelin bishii hore ee Janaayo sanadkan 2020-ka.

Wallow uu la kulmay dhaliilo, Prosperity Party [PP] oo uu naqshadeeyay ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa lagu bedelay EPRDF.

TPLF, sidda ay illo xog ogaal ah xaqiijiyeen, waxay diideen in ay xubin ka noqdaan isbaheysiga Barwaaqo Sooranka ee Abiy uu aas-aasey.

Abiy ayaa xulafo la sameystay ADP, ODP iyo SEPDM si lamid ah shan kamid ah xisbiyadda gobolada oo uu jiro midka degaanka Soomaalida, hase ahaatee, waxaa sharci-yadiisa qaadacay TPLF.

"Dowladda dhexe waxay sameysay xisbi cusub oo kahor imaanaya dastuurka iyo rajadda ay dadka Itoobiya ugu dooran lahaayeen xubnaha EPRDF si ay u dhisaan dowlad hogaamisa dalka," ayuu yiri TPLF.

Sidda ay sheegtay saxaafadda, guddiga doorashooyinka oo soo farageliyey muranka ayaa kula taliyey TPLF in ay isbaheysi la sameystaan xisbiyo kale.

Itoobiya ayaa isku diyaarineysa bisha June 2020 doorasho aad isha loogu hayo isla markaana ay ku geedaaman yihiin xiisado isugu jira; loolan qowmiyadeed, ammaanka iyo siyaasad loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM