Itoobiya iyo Kenya oo xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyay ee caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus.

Kadib shirar jaraa'id oo ay qabteen, wasiiradda caafimaadka dalalkaas ayaa tilmaamay in ay karan-tiil geliyeen bukaanada.

Intii lagu guda jiray kulan saxaafadeedka, waxay hoosta ka xariiqeen in ay hubin ku waddaan shaqsiyaad kale oo la tuhunsan yahay.

Kiisaskaas ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee Geeska Afrika laga soo wariyey tan iyo markii uu dilaacay cudurka bishii November, 2019.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka uu yahay mid si degdeg ah u faafa isla markaana khatar badan.

Ku dhowaad 120-kun oo kiis ayaa la diiwaan-geliyey tan iyo markii uu Coronavirus uu kasoo bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha.

China ayaa sheegay in uu tuhunsan yahay in uu Mareykanka abuuray cudurkaas si uu hoos ugu dhigo ganacsiga iyo dhaqaalaha wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM