Itoobiya oo bulaleerka u mamnuucdey "cabsi weeraro argagixiso"

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Booliska caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa wuxuu shaaciyey in ay mamnuuceen in bulaleerka loo adeegsado xafladaha dabaaldega sanadka cusub ee dalkaas oo caawa ku beegan.

Markos Tadesse, madaxa xiriirka dadweynaha iyo warbaahinta guddiga booliska magaaladda, ayaa sheegay in talaabadaan ay si toos ah ula xiriirto cabsi ku aadan in bulaleerka lagu dhex-qariyo “weeraro argagixiso".

Shaqsiyaad uusan magacyadooda soo bandhigin ayuu ka dhawaajiyey in ay qorshenayaan falalkaas liddiga ku ah nabad-gelyada.

Isagoo la hadlayey Telefishinka ku hadla afka dowladda ee FBC, Tadesse ayaa ku booriyey muwaadiniinta in ay hogaan-samaan amarka.

"Qof kasta oo ku xadgudubka mamnuucitaanka waxaa loosoo xiri doonaa sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sarkaalkan ayaanan kala caddeyn hadii go'aankaan uu ku eg-yahay inta dabaaldega socdo iyo in uu sii jiro illaa amar dambe.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa bilooyikii lasoo dhaafay soo jeedinayey in Al-Shabaab iyo Daacish ay unug Itoobiyaan qoranayaan.

Ethiopia oo ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa haatan waxay wajaheysaa qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri ah markii xukuumada Abiy Axmed baajisay doorashada aafada Covid-19 awadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM