Itoobiya oo ku dhow kala-tag xili Abiy uu ku kordhay madax xanuunka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Cabsida iyo walaac laga qabo in isku dhacyo toos ah iyo kala-tag ay isku bedesho is-qabqabsiga doorashooyinka Itoobiya ayaa u muuqaneysa mid xaqiiqo isku bedeli karta maalmaha nagu soo fool leh.

Dhinacyada is-haya oo ah dowladda Abiy Axmed iyo ismaamulka Tigrayga ayaa labadii maalmood ee u dambeysay hawada isku mari hadalo xanaf leh, iyaddoo waqtiga gobolkaas u muddeeyay doorashadu tahay Arbacadda.

Dowlad degaanka Tigrayga oo gaashaanka ku dhuftay muddo kororsi uu sameystay Abiy ayaa ku adkeystay in uu gobolkiisa ka qabanayo doorasho gaar ah, waxaana ay mar sii horeysay diiwaan-geliyeen cod-bixiyeyaal.

Aqalka Sare ee Itoobiya ayaa talaabooyinka gobolka Tigrayga ku tilmaamay kuwa sharci darro ah oo ka hor-imaanaya dastuurka, waxaana ay ugu baaqeen mas'uuliyiinta degaankaas ay joojiyaan coddeynta ay abaabuleen.

Golaha Dhexe ee maamula kalinka Tigrayga oo bayaan soo saarey ayaa hoosta ka xariiqay in diidmo walba oo ka timaada Senate-ka Itoobiya ay u qaadanayaan in dowladda dhexe ay iclaamisay dagaal, iska difaacayaan duulaanka.

"Go'aanka Aqalka Sare wuxuu la macno yahay in Dowladda Dhexe ay qaadi karto talaabo ka dhan ah Tigrayga," ayuu yiri William Davison, oo ah falanqeeye sarre oo Hay'addaha Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG u qaabilsan Ethiopia.

Doorashooyinka ayaa qorhuhu ahaa in ay dhacaan August. Balse, waxaa Maaj 2021 loo gaarsiiyey Coronavirus awadiisa. Hase ahaatee, Dowlad degaanka Tigrayga iyo xisbiyadda mucaaradka way kasoo horjeesteen dheereysiga.

Dowlad degaanka Tigrayga waxaa xukuma xisbiga TPLF, kaasoo kamid ahaa Isbaheysigii EPRDF ee mudada dheer xukumayey Itoobiya. Markii Abiy la doortay 2018-kii, waxay noqdeen madax-xanuunka kaliya ee maamulkiisa haysta.

Cod-bixinta gaarka ah u ah Dowlad degaanka Tigrayga ee dhacaysa 9-ka September waxaa lagu wadaa in ay codkooda ka dhiibtaan 3 milyan, iyaddoo la filayo in natiijada ay soo baxdo isla 13-ka bishaan aynu ku guda jirno.

Qoondada ay Miisaaniyadda guud ee Itoobiya 2020-21 oo dhan 476 bilyan oo Doolar wuxuu ismaamulka Tigreygu ka helay $285 milyan, taasoo la macno ah in ay haystaan dhaqaale ku filan, aysana jirin awood kale oo is hortaagi karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM