Itoobiya oo wajahaysa caqabado ku saabsan helitaanka marinka Badda

Image

QAAHIRA - Itoobiya ayaa la kulmaysa caqabado ku saabsan helitaanka marinka Badda Cas ka dib markii Masar iyo Ereteriya ay ka hor yimaadeen in dalalka aan xeebaha lahayn ay ka qayb qaataan amaanka biyaha, iyagoo ku doodaya in ay ka imaan karto khatar cusub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteriya, Osman Saleh, oo booqday Qaahira, ayaa sheegay in dalalka aan xeebaha lahayn aysan wax door ah ka ciyaari karin nidaamka amniga ee Badda Cas, sida uu sheegay afhayeenka madaxweynaha Masar, Ambassador Mohamed El-Shennawy.

Mohamed El-Shennawy, ayaa sheegay in Osman uu soo gaarsiiyey farriin uu u soo diray Madaxweyne Isaias Afwerki ee Ereteriya madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, kaas oo sheegay “Masar ay ka go'an tahay xoojinta xiriirka labada dhinac.”

Wuxuu intaa ku daray in wadahadalka uu diiradda saarayo “xasiloonida gobolka iyo iskaashiga amniga.” Badr Abdelatty, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, iyo Rashab Hassan, madaxa adeegga sirdoonka guud, ayaa ka qayb galay kulanka Qaahira.

Labada dal ayaa xoogga saaray in “dalalka xeebaha leh” ay hoggaamiyaan maamulka biyaha Badda Cas iyo in aan la aqbali karin “ka qaybqaadashada dalalka aan xeebaha lahayn” ee maamulka biyaha.

Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in helitaanka Badda Cas uu yahay "mudnaanta ugu weyn dowladiisa," balse wuxuu meesha ka saaray “duulaan” lagu qaado Ereteriya arrintan awgeed. Waxa uu carabka ku adkeeyay in xalka uu ku saleysan yahay "isku-dheelitirnaan" iyo "mabda’a suuqa," isagoo uga digay in aan la xallin arrintan ay keeni karto dhibaatooyin mustaqbalka.

Intii uu wasiirka ku sugnaa Qaahira, Ereteriya iyo Masar waxa kale oo ay ka wadahadleen arrimaha Suudaan iyo Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan "khilaafka muddo dheer socday ee Suudaan" iyo saamaynta gobolka, waxaana ay caddeeyeen taageeradooda “dedaalada nabadda soo celinta” iyo ahmiyadda “xasiloonida Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta amniga gobolka.”

Ka hor safarkaan, Osman ayaa booqday Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Prince Faisal bin Farhan bin Abdullah, wuxuuna u gudbiyay farriin ka socota Madaxweynaha Isaias Afwerki Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Itoobiya ayaa isha ku haysa badda Soomaaliya oo ah mida ugu dheer Afrika, iyadoo Abiy Axmed dhawaan uu yimid Muqdisho, oo Xasan Sheekh kala hadlay sidii dalkiisa ku heli lahaa marinka badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha South Africa: Kama qoomameynin in la iga soo eryay Mareykanka

Ebrahim Rasool ayaa ka difaacay hadalladiisa, isagoo sheegay in uu jeediyay "digniin" ku saabsan isbeddellada siyaasadeed.

  • Afrika

    24-03-2025

  • 12:36PM

Itoobiya oo Soo Rogtay Canshuur Beddelaysa Taageeradii USAID

Lacagta la arurin doono ayaa lagu shubi doonaa sanduuq cusub oo la yiraahdo…

  • Afrika

    22-03-2025

  • 02:01PM