Jabuuti oo Kenya uga adkaatey Tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Image

ADDIS ABABA - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) kadib markii uu helay 33 cod, kadib doorasho adag oo ka dhacday Addis Ababa Sabtidi maanta.

Wasiirka wuxuu ka guuleystay musharrixiinta kale ee ku tartamayay, Ra’iisul Wasaaraha hore ee Kenya, Raila Odinga, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee hore ee Madagaskar, Richard Randriamandrato. Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa lagu dhawaaqay ka dib wareegga lixaad ee codbixinta qarsoodiga ah ee ka dhacay Hoolka Nelson Mandela, halkaas oo loolan siyaasadeed oo adag uu saameyn ku yeeshay natiijada doorashada.

Mahmoud Ali Youssouf, oo muddo ka badan labaatan sano u adeegayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkiisa, ayaa bedeli doona Moussa Faki Mahamat, oo horey u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, kaasoo ka soo jeeda dalka Chad.

Midowga Afrika oo ka kooban 55 wadan xubnood ah, ayaa madaxweynaha iyo madaxda dowladaha ay u doortaan Guddoomiyaha guddiga, kaasoo si rasmi ah u ah madaxa fulinta ee xafiiska Midowga Afrika ee ku yaal Addis Ababa.

Doorashada Mahmoud Ali Youssouf waxay muujinaysaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo u soo hoyatay Jabuuti, taasoo xoojineysa saameyntooda gudaha Midowga Afrika.

Waxaa la filayaa in Guddoomiyaha cusub uu ka shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee qaaradda sida amniga, nabadgelyada, isdhexgalka dhaqaale, iyo in la sameeyo dib-u-habeyn ku saabsan hawlaha Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM