Jabuuti oo xil u dhiibtay oradyahanka Somali-Britishka ah ee Mo Faarax

Image

LONDON, UK – Oradyahanka Soomaali British-ka ah, Maxamed Faarax, ayaa loo mgacaabay safiirka Maamulka Dekadaha Jabuuti iyo Aaga Xorta ah [DPFZA].

Magacaabida Faarax ayaa looga dhawaaqay munaasabad ay Jabuuti marso taariikhi ah ugu rogtay degmo ganacsi kadib dib-u-qaabeyn balaaran.

"Waxaan ku faraxsanahay inuu nagala soo qeyb galo Mo Farah xaflada lagu daah furayo dib u cusbooneysiinta Dekeda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in Sir Mo uu noqdo safiirkeenna, waxaana rajeyneynaa inaan iska kaashanno mashaariicda mustaqbalka," ayay Twitter-ka ku tiri hay'adda.

Qoraalka ayaa waxaa la raaciyey: "Cilaaqaadka Jabuuti iyo Mudane Mo Faarax waa mid qoto dheer, waxaan ku faaneynaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno si aan u soo bandhigno awoodaha aan la shaacin ee qaaradda Afrika".

Sheekada xiisaha leh ee meesha ku jirta waa in Faarax uu si gaar ah uga soo jeedo degaanada Somaliland, maamulkaas oo tartan dhanka dekadaha uu kala dhaxeeyo Jabuuti si gaar ah marsada Berbera oo Imaaraadka maamulo.

Dekada Berbera oo dib-u-qaabeyn balaaran ay ku waddo shirkadda DP World ayaa kala siman Jabuuti in ay ku taala Aaga Ganacsiga Xorta ah ee gobolka.

Mo Faarax oo farxad ka muujiyey jagada cusub ee Jabuuti u dhiibtay ayaa 23-kii Maaj, 1983-dii wuxuu ku dhashay magaaladda Gabiley ee Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo daafuray mashruuca cusub, ayaa rajeeyay in uu kaalin ka qaato hiigsiga dowladiisa ee sanadka 2035.

"Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayaa udub dhexaad u ah himiladayada si aan ugu bedelno Jabuuti xarun ganacsi, runtiina caalami ah," ayay hay'addu qirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM