Kaniisad diidey deeq lacageed $40,000 uga timid madaxweynaha Kenya

Image
Kaniisadaha iyo siyaasiyiinta Kenya - oo ah dal dadkiisu 80% Masiixiyiin yihiin - ayaa xiriirkoodu sii xumaanayaan.

NAIROBI, Kenya - Kaniisadda Katooliga ee Kenya ayaa diiday deeq lacageed oo dhan $40,000 (£32,000) oo uu bixiyey madaxweyne William Ruto, sidda ay qortey saxaafada.

Wuxuu lacagta u bixiyay dhismaha guriga wadaadka iyo hadiyad ahaan kooxda heesta inta lagu guda jiray isu-soo-baxii Axadii ka dhacay Kaniisada Katooliga ee Soweto ee caasimada, Nairobi.

Deeqdan ayaa daba socotay hadal dhawaan kasoo yeeray wadaadada Catholic-ga, kuwaas oo dowladda ku dhaliilay in ay ka gaabisay balanqaadyadii doorashada.

Kaniisadaha ayaa sanadkan waxaa cadaadis kala kulmayay dhalinyaro mudaaharaad ka dhigayay canshuuraha kuwaasoo ku eedeeyay inay aad ugu dhow yihiin siyaasiyiinta.

Ka dib deeqdii Ruto ee sida weyn loo shaaciyey Axadii, dad badan oo Kenyan ah ayaa ku booriyay Kaniisadda Katooliga inay diidaan lacagta maadaama ay siyaasadeysan tahay.

Xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya kaniisadaha iyo hay'adaha siyaasadeed - ee waddan ay in ka badan 80% dadka Masiixiyiinta ah - ayaa u muuqda inuu sii xumaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM

Xemedti: Ganacsade Geel oo Noqday Dagaal-Oogaha Maamula kala bar Sudan

Markaas Darfur waxay ahayd gobol sabool ah oo ay dawladda Suudaan ee madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir dayacday.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 09:07AM