Ciidamo isku gadaamey dhisme lagu arkay warqad hanjabaad qarax ah

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha nabad-gelyadda Kenya ayaa xaqiijiyey in ay dadka ka daad-gureeyeen dhisme ku yaala magaalada Nairobi kadib markii lagu arkay warqad hanjabaad oo qarax ah.

Warqadda oo warbaahinta qeybteed ay heshay ayaa sheegeysa in qarax xoogan uu ka dhici karo goobtaas.

Dhismaha Doctors Plaza oo ku yaala jidka 3rd Parklands Avenue ayaa laga baadigoobayaa qaraxa la sheegay in uu ka dhici karo, daqiiqad kasta oo kamid ah saacadaha soo aadan.

Philip Ndolo, taliyaha bileyska Nairobi, ayaa u sheegay Daily Nation in goobta ay tageen kadib wargelin kaga timid shacabka.

"Khuburadda miinooyinka ayaa ku sugan meesha. Guud ahaan, waddooyinka soo gala halkaas waanu xirnay," ayuu raaciyey.

Ciidamadda dagaalanka argagixisadda oo halkaas ku sugan ayaa kaliya dadka degaanka u ogolaanaya in ay galaan aasgaas.

"Illaa iyo haatan lama ogga cidda warqadda kaga tegtay halkaas, hase ahaatee, waxaan ku wadnaa baaritaan," ayuu Ndolo ku daray.

Doctors Plaza, oo kamid ah moolasha ugu caansan gudaha waddanka Kenya ayaa ka kooban qeybo kala duwan sida mehrado ganacsi iyo isbitaalo.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo heegan la geliyey ciidamadda Kenya kadib weeraro saf-balaaran oo bishaan Janaayo, 2020 ay Al-Shabaab ka geystay waddankaan dhaca Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM