Kenya iyo Denmark oo kala saxiixdey heshiis saameynaya Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladaha Kenya iyo Denmark ayaa kala saxiixdey heshiis ay ku cusbooneysiinayaan iskaashi ku saabsan ammaanka badda kaasoo socon doona shanta sano ee nagu soo fool leh, sidda ay warisay saxaafadda.

Monica Juma, wasiirka gaashaandhiga Kenya, ayaa ka codsatay baarlamaanka in ay meelmariyaan heshiiska ay Golaha Wasiiradda xukuumada Nairobi ansixiyeen markii boqortooyadda Denmark ay ogolaatay.

Heshiiskan asal ahaan dhacay 27-ka bishii September ee sanadkii 2018-kii kadib markii uu soo socdey 2015 illaa 2017 ayay dowlada Kenya uga faa'iideysatay qalabeynta Dugsiga Tababarka Ciidanka Badda.

Mashruucaa waxaa qayb ka ah iskaashi Kenya ka caawinaya in ay la tacaasho argagixisada, dambiyada caalamiga ah ee abaabulan sidda burcad-badeeda, ka ganacsiga darooga iyo bini'aadamka si lamid ah xasilooni darada Soomaaliya "oo labada dal daruuri u tahay in ay iska kaashadaan".

"Heshiiska aan gudbinay wuxuu sidoo kale bixinayaa qorshe howleed aan ku wajahano caqabadahaas iyaddoo loo marayo gaashaan-buur aan la yeelano Boqortooyada Denmark," ayay Juma shaacisay.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska-caabinta maleyshiyadda Al-Shabaab kuwaasoo waqooyi-bari waddankaas ka fuliya weeraro ay ku beegsadaan fariisimaha ciidamadda milatariga iyo dadka Masiixiyiinta ah.

Qalin ku duugitaanka heshiiskan ayaa si lamid ah wuxuu kusoo hagaagayaa iyaddoo Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhaceyso dacwad hortaala Maxkamadda ICJ isla markaana dhageysigeeda uu dib u bilaaban doono bisha June, 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM