Kenya oo aas qaran u sameysay Sarkaal looga dilay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Sarkaalkan oo lagu magacaabi Duncan Kibet Mutai ayaa ku dhintay Qarax Miino oo Al-Shabaab la eegtay Kolonyo uu la socday oo marayay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubba Hoose 6-dii bishan.

Qaraxa oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Degelema oo qiyaastii 8-KM u jira Dhoobley ayaa waxaa mas'uuliyadiisu sheegatay Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo kwua Kenya ay qeyb ka yihiin.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay weerarka oo lagu dilay Sarkaalkan iyo Askar kale oo Ciidamada difaaca dalka Kenya [KDF] katirsanaa.

Duugta Kibet Mutai oo ka dhacday tuuladda Waunifo oo hoos-timaada Ainabkoi Constituency ee dalka Kenya ayaa waxay dhacday Sabtida maanta ah, waxaana kasoo qeybgalay Xilldhibaano, Xubno qoyskiisa ka socda iyo Dadka deegaanka.

Sergeant Alex Maina oo ah Aabaha dhalay mar-xuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida wiilkiisa, isagoo ugu baaqay dowladda Kenya inay Ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

William Chepkut oo ah Xilldhibaanka laga soo doorto deegaanka ay Duugta ka dhacday oo isana goobta kula hadlay wariyaasha ayaa wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Kenyatta inuu hal abuuro qorshe ciidamada Kenya looga difaacayo weerarada Miinooyinka.

Kibet Mutai, oo ahaa 35-sano jir ayaa ifka uga tagey hal caruur ah, waxaana xusid mudan inuu kaliya guur-saday 28 maalmood ka hor geer-diisa, waxaana lagu xusuusan doonaa inuu ahaa Sarkaal akhlaal badan, sida ay sheegeen dadka duugta joogay.

Mutai ayaa kusoo biiray ciidanka qaranka ee Kenya sanadkii 2007-dii, waxaaan uu ahaa sarkaal sare oo qaas ah muddo Tobban sano ah, ka hor inta uusan kusoo biirin sanadkii 2017 howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya kaasoo loo yaqaan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM