Kenya oo baaq ku saabsan Soomaaliya u dirtay Beesha Caalamka

Image

NAIROBI, Kenya – Inkastoo ay jirto kala aragti duwanaan dhanka siyaasada iyo dacwadda badda ah, Kenya ayaa beesha caalamka waydiisatay taageero ay siiyaan dalka Soomaaliya.

Raychelle Omamo, wasiirka arrimaha dibadda Kenya, oo ka hadashay shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa soo jeedisay in loo midoobo la dagaalanka argagixisadda.

Omamo, oo meteleysay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sidoo kale ugu baaqdey saaxiibada aduunka in ay ka caawiyaan Soomaaliya sidii loogu dhisi lahaa ciidamo xoogan.

"Si ciidamadaas mas'uuliyadda ammaanka dalkooda ula wareegaan, sidda ay xeerinayaan shuruudaha bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM," ayay raacisay.

Diblumaasiga ugu sareeya arrimaha dibadda Kenya ayaa hoosta ka xariiqday in waddankeeda uu mar walba u taagan yahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Kenya waxaa maamulka Jubaland ka jooga ciidamo ka tirsan AMISOM, oo ka qeyb-qaatay xorreynta magaalooyin dhowr ah, sidda Kismaayo, caasimada ku meel gaarka.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku maandhaafsiisan maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo dacwadda badda oo hortaala Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Xurgufta oo bilooyinkii dambe yareyd waxaa soo cusbooneysiisay ciidamo huwan ah oo xukuumadda Soomaaliya u daabushay gobolka Gedo gaar ahaan xuduudka Kenya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya in ay faragelin siyaasadeed iyo mid amni ku hayso Soomaaliya markii ay martigelisay Cabdirashiid Janan oo "baxsad ah".

Janan, wasiirka amniga Jubaland oo kasoo fakaday goob uu tan iyo August, 2019 ugu xirnaa xukuumada ayaa ku sugan Beledxaawo, halkaas oo uu ka olole ku difaacayo degaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM