Kenya oo fashilisay afduub laga soo qorsheeyay Soomaaliya

Image

MANDERA, Kenya - Ciidamada Booliska ee Mandera ayaa gacanta ku haya laba qof oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen qorshe lagu soo afduubi lahaa muwaadiniin shisheeye ah oo ka shaqeynayay mashruuc dowladda kawado Bariga magaaladda Mandera.

Labada qof ee la xiray, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Dembiyada ee Mandera, Pius Gitari, ayaa lagu tuhmayaa inay isku xireen hawlgallada argagixisada ee ka socda gobolka, gaar ahaan Mandera.

“Waxaan haynaa laba qof oo lala xiriirinayo isku dubaridka hawlgallada argagixisada ee al-Shabaab ee ka socda Mandera. Waxa aan ku jirnaa baaritaan ka hor inta aan u soo gudbin maxkamad,” ayuu Gitari sheegay isagoo telefoonka kula hadlay warbaahinta.

Laba eedeysane oo lagu magacaabo Isaaq Abdi Mohamed iyo Noor Yakub Ali ayaa lagu hayaa Saldhigga Booliska Mandera, iyadoo ay gacanta ku hayaan Ciidanka La-dagaalanka Argagixisada ee ATPU.

Abdi ayaa la sheegay inuu dhawaan galay Kenya, isagoo si been abuur ah u helay dukumiintiyo aqoonsi ID oo u suurto geliyay inuu si xor ah ugu socdo gudaha dalka.

“Isaaq Abdi Mohamed, oo lagu qiyaaso inuu yahay muwaadin Soomaali ah, ayaa dhawaan soo galay Kenya isagoo dalbaday kaarka aqoonsiga Kenya,” ayaa lagu sheegay warbixinta booliska.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta: “Kadib markii la wareystay, wuxuu xaqiijiyay inuu ku jiray hawlgal uu ku afduubi lahaa dhakhaatiir iyo muwaadiniin Shiinees ah oo ku sugan Mandera. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu si dhow ula shaqeynayay qof Kenyan ah oo lagu magacaabo Noor Yakub Ali oo 29 jir ah, kaasoo sidoo kale lagu soo qabtay aagga Metamora ee gudaha Mandera.”

Abdi ayaa galay Kenya isagoo ka yimid El-Ade ee Gobolka Gedo, ee dalka Soomaaliya sida laga soo xigtay ilo amni.

Qorshihiisa ayaa la sheegay in Abdi uu lacag dhan 100,000 Shilling oo Kenyan ah siiyay qof ka mid ah dadka deegaanka Mandera si loo fududeeyo afduubka muwaadiniinta shisheeye ah ee ka shaqeynayay mashruuca biyo-xireenka ee Mandera, kaas oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Mashruuca Biyaha iyo Musqulaha ee Mandera, oo la bilaabay 2018, waxaa fulinaya shirkadda Sinohydro Corporation Limited oo ah shirkad Shiinaha u leedahay, waxaana dhagax dhigay dhawaan Madaxweyne Ruto oo gobolka booqasho ku tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM