Kenya oo ka jawaabtay dalabka ku aadan soo qabashada wasiir Janan

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa ka jawaabtay codsiga ku saabsan in wasiir Cabdirashiid Janan ay ku wareejiso dhigeeda Soomaaliya si loogu maxkamadeeyo dambiyada lagu tuhunsan yahay.

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyey in Janan uu degan yahay huteel ku yaala magaalada Mandera, wallow wareysi uu bixiyey uu daaha kaga qaadey in uu ku sugan yahay Buula Xaawo.

Janan ayaa la sheegay in 28-kii Janaayo 2020 uu kasoo baxsaday goob uu dowladda Soomaaliya ugu xirnaa tan iyo bishii August sanadkii lasoo dhaafay 2019, isagoo ku eedeysan "dambiyo culus".

Amnesty, hay'ad u dooda xuquuqda aadanaha oo qabashadiisa ku sheegtay talaabo ka farxineysa dadka laga galay dambiyada looga shakisan yahay, ayaa soo jeedisay gacan-gelinta Janan.

Macharia Kamau, xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa meesha ka saarey in xukuumad ahaan ay awoodaan in ay go'aamiyaan xaaladda Janan.

"Qadiyaddaan kuma jirto gacmaheena. Aniga waxaan soo jeedin lahaa in aad la xiriirtaan kuwa wax badan kala socda, oo ah ciidamadda ammaanka," ayuu ugu waramay The Nation.

Hadalka Kenya ayaa kusoo aadaya iyaddoo Muqdisho ay todobaadkii hore ku eedeysay Nairobi in ay faragelin amni iyo mid siyaasadeed ay ku hayso Soomaaliya, iyaddoo adeegsaneysa AMISOM.

Dowladda Soomaaliya oo gudbisay waaran caalami ah ayaa booliska aduunka ee INTERPOL waydiisatay in ay kala shaqeeyaan Janan, oo horey Maxkamada gobolka Banaadir u laashay dacwadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM