Kenya oo ka jawaabtay eedeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa maanta oo Jimce ah waxay si rasmi ah kaga jawaabay eedeyn culus oo kaga timid dhigeeda Soomaaliya.

Xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in Nairobi ay faragelin ku hayso madax banaanida Soomaaliya isla markaana ay martigelisay Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, oo ay sheegtay in uu baxsad yahay.

Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda Kenya, ayaa tilmaamay in uusan jirin "qof baxsad ah" oo uu gabaad siiyey waddankiisa.

Isagoo ka jawaabaya eedeynta faragelinta ayuu xusay in aysan dhankooda jirin dacwad rasmi ah oo ay ka heleen Dowladda Soomaaliya.

"Hadii ay jirto [cabasho] marinka saxda ah ee lasoo marinayo waa howlgalkeena [safaaradda] Muqdisho," ayuu u sheegay idaacada BBC-da.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Oguna ayaa sidoo kale meesha ka saarey in gudaha Kenya ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Jubaland.

Mar wax laga waydiiyey xaalada ka oogan xadka iyo ciidamo la sheegay in ay halkaas isku hor-fadhiyaan, korneyl Oguna ayaa ku adkeystay in ay is-daaci doonan hadii gacan ka hadal uu yimaado.

"Mas'uuliyadda ina saaran waa in aan difaacno dhulka iyo dadka Kenyaanka ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay afhayeenka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa madaxa iskula jira kiiska badda ee horyaala Maxkamada Cadaalada Aduunka iyo arrimaha maamulka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM