Kenya oo war kasoo saartay weeraro ay Al-Shabaab "abaabuleyso"

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay wararka isa soo taraya ee sheegaya in ay dalkaas ku wajahan yihiin weeraro culus oo ay maleegeyso Al-Shabaab.

Fred Matiang’i, wasiirka arrimaha gudaha wadankaas oo hoos u dhigay cabsida amni daradda iyo falal argagixiso, ayaa shaaciyey in ay diyaariyeen qorsheyaal ay kaga hortagayaan.

Muwaadiniinta ayuu hoosta ka xariiqay in aan loo baahneyn in ay walwalaan, isla markaana Kenya ay diyaar u tahay in ay iska caabiso weerar walba oo kaga yimaada mitidiinta.

Bishii hore ee Febraayo ayay ahayd markii Mareykanka uu ka digay weerar ay Al-Shabaab ku beegsato mid kamid ah huteelada loo dalxiis tago ee ku yaala magaala madaxda Nairobi.

Si lamid ah, waaxda duulimaadka ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay beegsan karto diyaaradaha adeegsada hawada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya "maadaama ay casriyeysay hubkeeda".

"Nairobi waxay u diyaarsan tahay in ay la tacaasho xaaladan. Waxaanu haysanaa ciidamo meel walba jooga, oo xitaa tagi kara goobaha aan caadiga ahayn," ayuu wasiirku yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan qaadnay talaabooyin wax ku ool ah oo aan ku xaqiijineyno badqabka dhamaan dadka Kenyan-ka ah".

Wallow ay hadda qorsheyneyso in ay la baxdo, Kenya ayaa haysata waaya-aragnimo ku filan marka ay timaado la dagaalanka Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo udirtay Soomaaliya, 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM