Kenya: Tirada dadka laga helay fayruska Coronavirus oo korodhay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in ay korodhay tiradda dadka ay xaqiijiyeen in ay la nool yihiin Coronavirus ee haatan ku dhaqan waddankaas.

Sidda uu qoray wargeyska Daily Nation, Mr Uhuru ayaa sheegay in ay hubiyeen in ka badan liis oo caabuqaas ah.

Hadaladaan ayuu ka dhawaajiyey Axada maanta ah kadib shir jaraa'id oo uu u qabtay saxaafada maxaliga ah.

Xukuumadda Nairobi ayaa mar sii horeysay waxay tibaaxday in ay qabatay 22 ruux oo looga shakiyey cudurkaas.

Shaqsiyaadkaas oo lagu hakiyey garoonka diyaaradaha ayaa la geliyey karan-tiil ay ku jiri doonan 14-maalmood.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Kenya ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee xanuunkaas laga helo Geeska qaarada Afrika. Kaliya Itoobiya ayaa ku wehlisa wadamada laga helay.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqdey in ay u diyaar-garoobeyso fayruska oo si deg-deg ah ku faafa ayaa joojisay duulimaadyada dalalka uu saameeyay cudurka si lamid ah kulamada dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM