Kenyatta oo bixiyey amar la xiriira xayiraadda Soomaaliya ee khaadka

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa faray wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang'i in uu hogaamiyo wadahaalada lagu xalinayo khilaafka ganacsi ee Soomaliya iyo Kenya, sidda saxaafada warisay.

Matiang’i ayaa war qoraal ah ku sheegay in ay wehlin doonan Wasiirka Difaaca, Monica Juma, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Raychelle Omamo, iyo wasiirka ganacsiga Peter Munya si xayiraada uga qaadan Khaadka.

Is-mari-waaga Muqdisho iyo Nairobi oo daaran mamnuucida Khaadka ayaa beeraleyda Kenya khasaariyey 5 bilyan oo lacagtooda ah.

"Kadib amarta madaxtooyada, Fred Matiangi ayaa sheegay in uu la kulmay ganacsatada ka soo jeeda gobolka Meru uuna hogaaminayo gudoomiyahooda Kiraitu Murungi, waxa uuna cadeeyay in uu wadahadalo kula jiro asxaabtiisa kala ah Ambassador Raychelle Omamo, Peter Munya iyo Monica Juma si xal deg deg ah looga gaaro arinta," ayay tiri Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqday xildhibaanka laga soo doorto waqooyiga Igembe, Maoka Maore, xildhibaanka laga soo doorto Buuri Mugambi Rindikiri, gudoomiyaha Lapsset, Titus Ibui, gudoomiyaha ururka beeraleyda iyo ganacsatada Nyambene Miraa Kimathi Munjuri iyo siyaasiga Central Igembe James Mithika.

Cunaqabateynta oo qeyb ka aheyd talaabooyinka Soomaaliya ay kaga hortageysay faafitaanka Covid-19, ayaa noqotay laf dhuun gashay, iyadoo la sheegay in Muqdisho dejisay shuruudo adag oo xayiraada looga qaadayo.

Dalabyada waxaa loo gudbiyay Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa markii ay kooxdu isku dayday inay la xiriirto mas'uuliyiinta Soomaaliya.

Soomaaliya waxay dalbatay in loola dhaqmo sidii dalal la siman yahay, waxayna intaas ku dartay in Kenya ay ka waantowdo faragelinta arrimaha gudaha ee dalka.
Muqdisho ayaa sidoo kale waxay Kenya ka doonaysaa raaligelin "maadamaa diyaaradaheeda ay ku xadgudubeen hawada Soomaaliya".

Kooxda uu Uhuru xushay ayaa u baahan tixgeliyaan qodobadan oo ay wehliyaan kalluunka, bariiska, sonkorta, malab, hilib iyo caano oo ay xayiraado ka qaado Kenya isla markaana ay dhankeeda dhoofsato.

Beeraleyda waxay ka deyrinayeen luminta dakhliga illaa shan bilyan oo lacagta Kenya ah maalin kasta bilooyinkii lasoo dhaafay.

"Waxaan kasban jiray inta udhaxeysa Ksh 70,000 ilaa Ksh 120,000 bishii laakiin hada si dhib yar ayaan sameeyaa Ksh 10,000 kadib xiritaanka suuqa Soomaalida," ayuu ku calaacalay Maore Ngore, oo beeraley ah horayna u ahaa MCA Ntunene.

Ganacsatada Miirooyinka ayaa 50 tan oo jaad ah u dhoofin jiray Soomaaliya taasoo ka dhigtay beeraleyda qaar ka mid ah ay yihiin dadka ugu taajirsan magaalada Meru oo ay goobta uu maandooriyaha kasoo baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM