Ku dhowaad 120 qof oo lagu dilay gudaha Itoobiya bishaan gudaheeda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dagaal beeleedyo bishaan September ka dhacay gudaha dalka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha ku dhowaad 120, halka boqolaal kale ay ka baraceen guriyahooda ruux, sidda sheegay xisbi mucaarad ah.

Dhaqdhaqaaq heer Qaran ee Amxaarada ayaa tibaaxay in isku dhacyada ay 6-dii bishaan ka bilowdeen gobolka Galbeedka dhaca ee Benishangul-Gumuz, uuna daba socday weerar ay maleyshiyo geysteen bilooyin hore.

Afhayeen u hadlay xisbigan kaasoo lagu magacaabo Dessalegn Chanie, ayaa daboolka ka qaadey in qaar kamid ah dadka la dilay si xoog loogu kaxeeyay iskuul, halkaasna lagu toogtay, kuwa kalena lagu waxyeeleeyay waran.

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya oo walaac ka muujiyey xaalada gobolka ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta degaanka in ay baaraan dilalkaas.

Itoobiya waxaa hareeyay isku dhacyo qowmiyadeed xilli ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu riixayo dib u habeyn dhanka siyaasadda.

Isbedeladaas dardarta ku socda waxaa uu kala qeybiyey dowladda federaalka iyo qaar kamid ah ismaamulada kuwaasoo kasoo horjeeda Abiy.

Fariin uu Twitter-ka kusoo qoray ayuu Abiy Axmed kaga dhawaajiyey in "dhacdooyinka amni ee goos-gooska ah la doonayo in lagu wiiqayo dedaalada dib u habeynta, waana lala xisaabtami doonan qowleysatadda".

Rabshadaha oo cirka isku sii shareeray June markii la dilay fanaanka kasoo jeeda qowmiyada badan ee Hachalu Hundessa ayaa lagu dilay 200 ruux, halka dowladda ay xirtay 9,000, sidda uu sheegay Guddiga xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM