Lacagta ay khaadleyda Kenya ku qasaareen xayiraada DF oo la dusiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Khaadleyda dalka Kenya ayaa qasaaray aduun dhan 24 milyan oo Doolarka Mareykanka ah tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya kusoo rogtay xayiraada, sidda ay muujineyso warbixin cusub.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation oo tiradan soo bandhigay ayaa soo xigtay ganacsato iyo beeraley kuwaasoo uusan magacaabin.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, sababta ugu weyn ee khasaarahaas keentay waa in suuqa Soomaaliya uu ahaa midka ugu balaaran, waxaana la qiyaasayaa in maalintii ay u soo dhoofin jireen in ka badan 10 tan.

Xukuumadda Muqdisho oo xiisad diblumaasiyadeed ay kala dhaxeyso dhigeeda Nairobi ayaa mamnuucista maandooriyaha kaga faa'iideysatay safmarka Coronavirus kaasoo kiisas badan laga helay waddanka.
Hakinta ayaa cadaadiska ku kordhisay dowladda madaxweyne Uhuru Kenyatta taasoo ganacsadeeda ka codsanayaan in ay xaliso arrintaan.

Siyaasiyiinta Kenya ayaa dhankooda ku kala qeybsamay qadiyadaan. Madaxweyne ku xigeenka William Ruto wuxuu Khaadleyda ku booriyey in ay beerahooda ku abuuraan qudaar kale oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Balse, wasiirka beeraha Peter Munya oo kasoo naqdiyey soo-jeedintaas ayaa ugu baaqay Ruto in uusan siyaasadeyn arrinta Khaadka, isagoo ugu baaqay in uu kaga dambeeyo Kenyatta oo uu xusay in uu ku howlan yahay.

"Madaxweyne Uhuru Kenyatta waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Khaadka ka dhigay miro lacag laga sameeyo iyo hogaamiyihii ugu horeeyay ee arrinta Khaadka kusoo qaadey khudbadiisa rasmiga ah. Marka gobolada qaar mamnuuceen Khaadka, midka ku amray in ay joojiyaan oo ay ogolaadaan waa madaxweynaha. Isaga ayaa ah kan kaliya ee xalin kara arrintaan," ayuu yiri.

Maadaama dowladda haatan jirta ee waqtiga kasii dhamaanayo aysan isku wanaagsaneyn, fursada kaliya ee Kenyaanku dhowrayaan waa isbedel ku yimaada hogaanka Soomaaliya si wada-xaajoodyada u bilaabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM