Madaxweynaha gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo shaqada ka tegay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ismaamulka Amxaarada waddanka Itoobiya ayaa Axadda maanta ah wuxuu yeeshay madaxweyne cusub markii sababo aan la shaacin uu isu-casilay hogaamiyihii hore ee gobolkaas, Temesgen Tiruneh.

Sidda ay ku warantay Ethiopian Broadcasting Corporation [EBC], siyaasi Tiruneh ayaa istiqaaladiisa wuxuu u gudbiyey Golaha Degaanka kuwaasoo fadhi ay maanta yeesheen ku ogolaadey "go'aankaas lama filaanka ah".

Fadhiga oo kamid ahaa kulamada caadiga ah ee Golaha ayaa ka qabsoomay Bahir Dar halkaasoo ay ku dhaariyeen madaxweynaha cusub.

Agegnehu Teshager ayaa, sidda ku xusan warbixinta ay baahisay EBC, waxaa loo caleema saarey hogaamiyaha bedeli doono Temesgen Tiruneh.

Bishii Julaayo 25-keeda sanadkii hore 2019, xisbiga hogaamiya gobolka Amxaarada ayaa Tiruneh u doortay madaxweyne si uu u bedelo Ambachew Mekonnen kaasoo June lagu dilay isku day afgembi fashilmay.

Tiruneh oo soo noqdey lataliyaha arrimaha ammaanka qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan la ogeyn shaqada xigta ee uu qabanayo.

Isbedelkan ayaa kusoo hagaagaya xilli waqoyga Itoobiya ay ka aloolsan tahay colaad u dhaxeysa ismaamulka Tigreeyga iyo maamulka Abiy kuwaasoo xiisad siyaasadeed oo ka dhaxeysay ay isku rogtay isku-dhac uu dhiig ku qubanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM