Madaxweynaha Tigray oo sharaxay sababta ay u duqeeyeen Asmara

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha ismaamulka Tigray ee waddanka Itoobiya, Debretsion Gebremichael, ayaa xaqiijiyey in xalay ay gantaalo ku garaaceen qaybo kamid ah caasimada dalka Eritrea ee Casmara.

Gebremichael ayaa xusay in garoonka diyaaradaha Asmara ay ka haleeleen gantaalada, isagoo tibaaxay in ciidamadda Itoobiya ay madaarka u adeegsanayaan in ay kasoo qaadaan duulaanka lagula jiro.

Xukuumadda Addis Ababa ayaanan wali ka jawaabin eedeyntaas. Si lamid ah, dowladda Eritrea waxa aysan wali ka hadlin weerarkaas ay kusoo qaadey xoogaga dagaalka kula jirta maamulka Abiy Axmed.

Dadweynaha Casmara ayaa xalay soo wariyey in ay maqleen ku dhowaad saddex qarax oo loo maleynayo in ay ka dhasheen gantaalada.

Xoogaga ka taliya gobolka Tigray ee loo yaqaano TPLF ayaa in ka badan todobaad waxay dagaal kula jiraan ciidamadda dowladda Itoobiya, waxaana ku barakacay ugu yaraan 17-kun ruux oo u cararay dalka deriska la ah ee Sudan.

Wallow aysan caddeymo soo bandhigin, TPLF ayaa sheegeysa in ciidamada Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudka isla markaana ay taageerayaan dhigooda Itoobiya. Balse, waxaa sheegashadaas beenisay Asmara.

Dhanka kale, ugu yaraan 34 ayaa ku dhimatay markii dabley ay galbeedka Itoobiya ku weerartay gaari bas ah oo ay saarnaayeen, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka AFP.

AFP ayaa soo xigatay qoraal kasoo baxay Guddiga Xuquuqul Insaanka waddankaas. Falkan wuxuu habeenimadii Sabtida ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka, dhinacyadda ayaa hawada isu marinayey eedeymo, waxaana midba kan kale uu baahinayaan warar uu ku durayo kan kale, hasayaashee, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya.

TPLF iyo maamulka Abiy Axmed Cali ayaa isku maan-dhaafay arrimo ay kamid qabashadda doorashooyinka, maxkamadeynta xadgudubyadii hore, la dagaalanka musuqmasuqa iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM