Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii TPLF ku qaadey Asmara

Image

WASHINGTON, US - Dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay weerarkii gantaalaha ahaa ee maamulka Tigray sheegeen inay ku qaadeen caasimadda Eritrea ee Asmara.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Tibor Nagy ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Maraykanku ay ku baaqayso in la qaado tallaabo degdeg ah oo oo lagu badbaadinayo shacabka, xiisaddana lagu qaboojinayo, isla markaana nabadda lagu soo celinayo.

Goor hore oo maanta ahna, hogaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa Axadda maanta ah xaqiijiyay in ciidamadiisu ay gantaalo ku garaaceen caasimada Eritrea ee Asmara, wuxuuna ku hanjabay weeraro dheeri ah, isaga oo yiri "waxaan qaadi doonaa bartilmaameed kasta oo militari oo sharci ah, waanna duqeyn doonnaa.”

Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaan sheegin inta gantaal ee Sabtidii lagu duqeeyey Asmara, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay magaalada kaliya ee Eritrea ee ay beegsadeen.

Hadalkiisa ayaa xaqiijinaya in uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya labadan dal ee deriska ah ee Africa maadaama dagaalkii gobolka Tigray uu ka tallaabayo xuduudda.

Saddex gantaal ayaa Sabtidii lagu tuuray Asmara, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, saacado kaddib markii uu maamulka gobolka Tigray uu ka digay weerar ka dhan ah Eritra.

Madaxweynaha Ismaamulka Tigray, Debretsion Gebremichael, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay xadka Itoobiya u dirtay ciidamo si ay u taageerto Ra’isulwasaare Abiy Ahmed, hase yeeshee eedeyntaasi waxaa beenisay Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheyn colaadda Ethiopia.

Lama oga khasaraha ka dhasay saddexda gantaal ee lagu weeraray caasimadda Eritrea ee Asmara. Goor hore oo Sabtidi shalay aheydna, xoogaga TPLF ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen laba eraboor oo ku yaalla gobolka Amxaarada ee Ethiopia.

Ilaa iyo hadda ma cadda tirada ku dhimatay dagaallada ka socda Ethiopia, balse QM ayaa sheegtay in dad ka badan 14 kun oo ka cararay dagaalka ka socda gobolka Tigray ay ka tallaabeen xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.

VOA

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM