Masar: Weerar uu geystay libaax badeed oo dhimasho sababay

Image
Qofka ku geeriyoodey falkan ayaa waxa uu u dhashay waddanka Talyaaniga.

QAAHIRA, Masar - Weerar uu geystay libaax badeed oo ka dhacay xeebaha Badda Cas ee Masar ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof oo dalxiise ah mid kalena waa uu ku dhaawacmay.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda deegaanka ayaa lagu sheegay in shilkan Axaddii uu ka dhacay waqooyiga Marsa Alam, oo ah magaalo loo tamashle tago oo ku taal bariga Masar oo caan ku ah quusayaasha.

Waxay intaa ku dartay in weerarku ka dhacay "bartamaha badda iyo meel ka baxsan goobta dabaasha ee loo qoondeeyey". Tani waxay ka dhigan tahay xadgudub uu dhibanuhu sameeyya.

Iyadoo wasaaraddu ay sheegtay oo keliya in labada qof ee la dilay ay ahaayeen ajaanib, haddana wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay inay u dhasheen dalka Talyaaniga.

Ninka dhintay oo 48 jir ahaa ayaa deganaa magaaladda Rome ee caasimadda Talyaaniga, halka qofka dhaawacmayna uu ahaa 69 jir, sida ay sheegtay AFP.

Saraakiisha Masar oo magacyadooda ka gaabsadey ayaa sheegay in labada dalxiise loo qaaday isbitaal ku yaalla Port Ghalib, oo qiyaastii 30 mayl waqooyi ka xigta Marsa Alam.

Goobta lagu dabaasho ee Marsa Alam ayaa gabi ahaanba albaabadda loo laabay, waxaana la baarayaa dhacdada iyo qaabka ay ku timid, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar dhimasho ah oo ka dhashay weerarrada libaax badeed ee Badda Cas, sida lagu sheegay xog uruurin.

Sikastaba ha ahaatee, kiiskii ugu dambeeyay ayaa waxaa la diiwaan-geliyay inuu dhacay bisha June sanadka 2023 meel u dhow Hurguda wuxuuna ku lug lahaa nin 24 jir ah oo Ruush ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM

Fal-celin: Hadal uu Trump ku yiri Madaxweynaha Liberia oo dad badan u arkeen mid yasitaan ah

Aqalka Cad ma aysan caddeyn in Madaxweyne Trump uu ogaa in Liberia ay tahay dal Ingiriisi u ah luuqadda rasmiga ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 08:25AM