Maxaa ka jira in Uganda ay u kala dab-qaadeyso Itoobiya iyo TPLF?

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah waxay gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay Uganda bilowday dhex-dhexaadin ku aadan colaada culus ee ka oogan ismaamul goboleedka Tigray.

Beeninta ayaa kusoo hagaageysa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay jirtay hadalheyn ku aadan in ay bilaaban karaan wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac si loosoo afjaro isku-dhacyadda dhimashada badan sababay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga xukuumadda Addis Ababa u saartey howlgalka ay ku qaadey Tigray ayaa ku adkeystay in aysan xaqiiqo ahayn wararkaas, wallow aysan soo qaadin hadii mustaqbalka dhici karto.

"Sheegashooyinka ku aadan in ay dhexdhexaadin ka socota Uganda ma ahan kuwa sax ah," ayaa lagu yiri bayaankan lala wadaagay saxaafada.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu kusoo qoray in saaka uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya isla markaana ka codsaday in wada-xaajoodyo ay yimaadan.

Demeke Mekonnen oo ay wehliyaan wafdi xafiiskiisa iyo xukuumadda Abiy Axmed ka tirsan ayaa sidoo kale ah Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya.

"Kahor intaanan u dhaqaaqin kulankayga ololaha saaka, waxaan wadahadal la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassen iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Gulu State Lodge," ayuu soo qoray.

Wuxuu ku daray: "Wadahadalkeenu wuxuu diirada ku saarey arimaha nabada iyo amaanka ee hada saameynaya Ethiopia. In ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu faca weyn ee aan la gumaysan Afrika, Itoobiya waa hanka qaaradda".

"Dhibaatada Afrika haysata ayaa ah in aanaan waligeen ka wada hadlin fikirka, anaga oo xooga saareyna diblomaasiyadda. Anigu gabi ahaanba waan ku raacsanahay siyaasadda diiradda saareysa federaalka qowmiyadeed. Waa inaan xoojino arrinta midnimada iyo danaha guud maxaa yeelay waa sida kaliya ee aan ku horumari karno," ayuu ku nuux-nuuxsaday Yoweri Museveni.

Dagaalka ka oogan waqoyga Itoobiya ayaa galaya asbuucii labaad. Illaa haatan, waxaa lasoo wariyey geerida boqolaal askar u badan, barakaca kumanaan kale. Waxaana isa soo taraya baaqyadda ku aadan in wadahadal dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM