Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Image

JUBA – Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir, ayaa Isniintii magaalada Juba kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyo wakiillo ka socday IGAD, kuwaasoo wada dadaallo si dib loogu soo nooleynao Heshiiskii Nabada sanadkii 2018.

Booqashadan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo hakad ku yimid fulinta qodobbada heshiiska. Madaxtooyada South Sudan ayaa sheegtay in wadahadalladu diiradda saareen "dardar-gelinta geedi-socodka hirgelinta heshiiska," xoojinta amniga gobolka, iyo in dalka loo jiheeyo xukun dimuqraadi ah.

Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada, Chol Mawut Ajongo, ayaa ku tilmaamay booqashada mid xilli ku habboon ku timid, isagoo xusay in ay sii qoto dheereyn doonto xiriirka diblomaasiyadeed isla markaana fursad u siin doonto Midowga Afrika iyo IGAD in ay si toos ah u fahmaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa isna ku tilmaamay booqashada "mid muujinaysa is-garab-taag," wuxuuna ugu baaqay hogaamiyeyaasha South Sudan in ay "si wadajir ah u dhammaystiraan khariidadda kala-guurka una horseedaan dalka doorashooyin dimuqraadi ah."

Si kastaba ha ahaatee, socdaalladii hore ee ay sameeyeen hey’adaha caalamiga ah ayaa inta badan ku ekaaday war-murtiyeedyo aan micno buuxa dhalin, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha asaasiga ah sida hub-ka-dhigista, awood-qaybsiga, iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar, oo la rumeysan yahay inuu haatan ku sugan yahay xabsi-guri. Socdaalladii hore ee caalamiga ah ayaa si nidaamsan loogu diiday kulammo la Machar, taasoo muujinaysa sida uu heshiiska nabadeed u liicayo iyo hoos u dhaca xorriyadda siyaasadeed ee dalka.

Bayaan si taxaddar leh loo qoray oo lagu daabacay bogga Facebook ee madaxtooyada, ayaa lagu yiri: "Joogitaanka Midowga Afrika iyo IGAD waxa uu muujinayaa go’aankooda adag ee ku aaddan in Koonfurta Suudaan ay gaarto nabad, xasillooni iyo dimuqraadiyad."

Hase yeeshee, dhanka dhulka, rabshado ayaa weli ka socda gobolka Upper Nile iyo deegaanno kale oo dalka ah, iyadoo wax ka qabashadooda ay wali ka maqan tahay muuqaalka siyaasadeed.

Si dhab ah, South Sudan waxay u noqotay tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo kartida Midowga Afrika iyo IGAD ee xalinta khilaafaadka, iyadoo socdaalkan ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed uu u muuqdo in uu rajo yar u yahay xal waara oo dalkaas lagu gaari karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM