Mozambique: In ka badan 6,000 maxbuus oo xabsi ka baxsatay

Image
Dalkan ku yaalla Koonfurta Afrika waxaa gilgilay rabshado ka dhashay doorasho lagu murmay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilaa 6,000 oo maxbuus ayaa Arbacadii ka soo furtay xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla caasimadda Mozambique ee Maputo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta booliiska.

Qulqulatooyinkan ayaa waxay ka dhasheen rabshado muddo toddobaadyo ah socday oo yimid doorashada kaddib ay weli gilgileen dalkan ku yaalla Koonfur Afrika.

Taliyaha booliiska dalka, Bernadino Rafael, ayaa sheegay in maxaabiistu ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Maputo maalintii Christmas-ka, ka dib waxa uu ugu yeeray "kacdoon".

"Ugu yaraan 33 maxbuus ayaa dhintay 15 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii maxaabiistu ay iska horyimaadeen ciidamada ammaanka intii ay baxsanayeen," ayuu raaciyay.

Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in 1,500 oo maxbuus ay baxsadeen, balse ay dib u habeyn ku sameeyeen tiradaas Jimcihii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Ugu yaraan 151 qof ayaa ku dhintay isku dhacyada dibad baxayaasha iyo ciidamada ammaanka tan iyo doorashadii muranka dhalisay ee 9-kii Oktoobar, sida ay sheegtay Plataforma Eleitoral Decide.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xemedti: Ganacsade Geel oo Noqday Dagaal-Oogaha Maamula kala bar Sudan

Markaas Darfur waxay ahayd gobol sabool ah oo ay dawladda Suudaan ee madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir dayacday.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 09:07AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu oo Xilka loo dhaariyey kadib Doorasho Lagu Murmay 

Labada musharax ee ugu waaweynaa mucaaradka ayaa ka hor istaagtay tartanka doorashada.

  • Afrika

    03-11-2025

  • 02:46PM