Muxuu Taliyaha AFRICOM kala hadlay Cirro iyo Abiy Axmed?

Image

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Somaliland iyo Itoobiya, halkaasoo uu kaga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, iskaashiga militari, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Intii uu ku sugnaa Somaliland, General Langley ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Abdirahman Maxamed Cabdillaahi (Irro), halkaasoo looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo taageerada Mareykanka ee nabadgelyada xili gobolka bariga dhexe, gaar ahaan badda cas  weeraro ka dhacayaan.

General Langley oo la socday Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan ayaa booqday magaaladda Berbera, oo qiimeyn kusoo sameeyeen xili ay jiraan warar sheegaya in Maamulka Trump saldhig ciidan ka dhisanayo halkaas.

Sidoo kale, General Langley ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga militari ee labada dhinac si loo sugo amniga gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ayaa intaa ku daray in Itoobiya ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo ilaalinta nabadda gobolka, isla markaana ay muhiim tahay in la helo iskaashi heer caalami ah si arrintan looga guuleysto.

Booqashada General Langley ayaa ku beegan xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni oo cusub, iyadoo AFRICOM ay dadaal ugu jirto sidii loo taageeri lahaa dalalka gobolka si ay uga hortagaan hanjabaadaha argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Ka Dhacay Nigeria oo Sababay Khasaare Naf iyo Maalba leh

Waxaa la filayaa in dowladda hoose iyo hay’adaha ammaanka ay war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan saacadaha soo socda.

  • Afrika

    22-10-2025

  • 10:33AM

Masar oo Mar Kale Ka Digtay Khataraha Biyo-xireenka webiga Niil

Madbouly ayaa sheegay in waddamada ku yaalla hareeraha webiga Nile ay la tacaalayaan caqabado la xiriira wadaagista kheyraadka biyaha.

  • Afrika

    18-10-2025

  • 01:47PM