Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Image

Kigali, Rwanda — Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa si adag u dhaleeceeyay qaar ka mid ah madaxda Afrika, isaga oo ku eedeeyay in ay lunsadaan hantida shacabka isla markaana ay ku maalgeliyaan dalalka reer Galbeedka, halkii ay dalka gudihiisa uga faa’iideyn lahaayeen dadkooda.

Kagame oo hadal ka jeediyay munaasabad qaran ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in madax Afrikaan ah ay xadaan dhaqaalaha shacabka oo loogu talagalay horumarinta, kaddibna ay ku bixiyaan guryo, ganacsi iyo xisaabaad bangi oo ku yaalla waddamada horumaray.

“Madaxda xada hantida shacabka kuna aaddiya dalal kale, waxay si toos ah u wiiqayaan mustaqbalka qaramadooda. Waa khiyaano qaran, waana sababta ugu weyn ee saboolnimada Afrika weli halkeedii tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Kagame.

Kagame ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Afrika in ay hanti dhowr sameeyaan, lana xisaabtamo madaxda xukunka haya si loo hubiyo in kheyraadka ummaddu u adeego danaha dadweynaha.

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika, halkaas oo mas’uuliyiin badan lagu eedeeyay in ay ku takri-faleen hantida dadweynaha si ay ugu maalgeliyaan danahooda gaarka ah ee dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM