Qatar oo Dhex-dhexaadinaysa Rwanda iyo Congo
Doha, Qatar – Isniintii, Qatar ayaa dhex-dhexaadin ka noqotay wadahadalo u billowday dalalka Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), kuwaas oo qayb ka tahay dadaallada lagu joojinayo dagaalka bariga Congo.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi ayaa la kulmay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyadoo wadahadalada ay ka dhaceen caasimadda Qatar, ee Doha.
Wadahadaladan ayaa yimid hal maalin kadib markii kooxaha M23 – oo la aaminsan yahay inay taageero ka hesho Rwanda, taasoo weerar ballaaran ka fulisay bariga Congo – ay ka baxeen wadahadaladii nabadda ee ka furmay Angola isniintii.
Rwanda ayaa si joogto ah u beenisay inay taageerto M23, inkastoo eedeynno badan ay jiraan oo ku saabsan taageeradooda kooxdaasi.
"Madxweynayaasha ayaa ku celiyay inay dhammaan dhinacyadu ka go'an tahay in si degdeg ah loo sameeyo xabbad-joojin aan shuruud lahayn, sida lagu heshiiyay shirkii hore ee Afrika," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen wadamada saddexda ah.
Hoggaamiyayaasha Afrika ayaa uga mahadceliyay Qatar "kulankan faa'iidada leh ee ka caawiyay dhisida kalsoonida iyo ballanqaad wadajir ah oo lagu doonayo mustaqbal amni iyo deggan oo ay wadaagaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo gobolka."
War-saxaafadeedka wadajirka ah ayaa ka hadlin sida xabbad-joojinta loo dhaqan gelin doono ama loo kormeeri doono.
Kooxda M23 ayaa qorshaysay in ay si toos ah wadahadal uga bilaabaan Kinshasa si ay u dhamaystiraan colaadda ka taagan bariga Congo ee hodanka ku ah macdanta, laakiin isniintii waxay ku dhawaaqeen inay ka baxayaan wadahadalka, sababo la xiriira cunaqabataynta EU ee kooxdan iyo mas’uuliyiinta Rwanda.
Madaxweynaha DRC Félix Tshisekedi ayaa hore u diiday wadahadalo toos ah oo lala yeesho M23, kuwaas oo tan iyo muddo dheer dagaal la galayay ciidamada dowladda, laakiin usbuucii hore ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay wadahadal.
Kooxda M23 ayaa dardar gelisay dagaalka horaantii sanadka, iyadoo qabsatay magaalooyinka Goma iyo Bukavu, inkastoo hawlgallo caalami ah iyo kuwa gobolka ay socdaan si loo soo celiyo nabadda iyo amniga.
GAROWE ONLINE