Qaylo-dhaan laga soo saarey xayiraad saaran xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Ganacsatada kaluunka qalalan ee ismaamulka Kenya ka tirsan ee Lamu ayaa ugu qaylo-dhaamiyey dowladooda in ay qaado xayiraada ay kusoo rogtay xadka deriskooda Soomaaliya si ay ganacsigooda u sii wataan.

Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho ayay kaluunka u soo doonan jireen. Gudaha Kenya ayay dib ugu celin jireen si ay lacag uga sameeyaan. Balse, waxaa haatan baayacmushartaas hakiyey mamnuucidaas.

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii ayay xukuumadda Nairobi u soo rogtay xayiraadaas sababo ku aadan ka hortagida ganacsiga sharci darada ah, dhoofinta dadka iyo weeraro kaga yimaadda ururka Al-Shabaab.

Aboud Athman oo kamid ah ganacsatada kaluunka una waramay The Star ayaa daaha ka rogay in sicirka uu sii kordhayo hadii xayiraadda sii jirto kana walwalsan yihiin in dowladda ay ka gubto hadii suuq madow ku shaqeystaan.

"Waxaan kaliya shaqeysan karnaa xayiraad la'aan. Kani waa hal ganacsi waxaan lagu sameyn karaa iyaddoo la ogolaado in labada dhinac wax is-dhaafsadaan. Si fudud waan u noolaan karnaa balse ma dhaceyso hadii aan xuduudaha labada dhinac la isku gudbi karin," ayuu ku nuux-nuux saday kalluumeystaha.

Bishii April ee sanadkan 2020, ciidamadda amniga ayaa gubay 15 tan oo kalluun qalalan oo ka yimid Soomaaliya kuna fadhiya 5 milyan lacagta Kenya. Saraakiisha waxay ku qeexeen mid qaab sharci darro kusoo galay waddankaas.

Muqdisho iyo Nairobi ayaan xiriirkooda hagaagsaneyn sanadihii ugu dambeeyay iyagoo isku haya dacwadda badda ee hortaala ICC. Inkasta oo dedaalo isu soo dhowaanshiyo ay qaadeen, shacabka waa cidda dhibaatada ay gaareyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM