QM oo Digniin Dirtay Kadib Xiritaanka Madaxweyne Ku-xigeenka Koonfurta Suudaan

Image

GO – Juba – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Koonfurta Suudaan inay muujiyaan xasillooni, kadib markii warar soo baxay ay sheegayaan in la xiray Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Riek Machar, oo muddo dheer khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir.

Madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS), Nicholas Haysom, ayaa sheegay in tallaabo kasta oo dalka dib ugu celisa xaalad dagaal ay “halis gelin karto guulihii la gaaray toddobadii sano ee la soo dhaafay.”

“Caawa, hoggaamiyeyaasha dalka waxay taagan yihiin labo waddo: mid ay ku noqonayaan colaado baahsan, ama mid ay dalka ku hoggaaminayaan nabad, dib-u-dhis iyo dimuqraadiyad – sida lagu heshiiyay sanadkii 2018 markay saxiixeen heshiiskii nabadeed ee dib-u-cusboonaysiinta,” ayuu Haysom ku yiri war qoraal ah oo la sii daayay waaberigii Khamiista.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in dib-u-bilaabashada dagaal “ay khatar weyn ku tahay Koonfurta Suudaan, ayna saameyn xun ku yeelan doonto guud ahaan gobolka.”

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xisbiga Machar ee SPLM-IO, kolonyo ka kooban 20 gaari oo si buuxda u hubeysan ayaa si xoog ah ku galay guriga Machar ee caasimadda Juba, halkaas oo ay hubka ka dhigeen ilaaladiisa.

Warbixintu waxay xustay in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxa Sirdoonka Qaranka ay qeyb ka ahaayeen kolonyadaas, kuwaas oo u keeney madaxweyne ku xigeenka amar xarig, inkastoo aan la caddeyn eedaha loo haysto.

“Arrintani waa jabin cad oo lagu sameeyay Dastuurka iyo Heshiiskii Nabadda ee la cusboonaysiiyay, maadaama aan la raacin habraacyadii sharciga ahaa ee xasaanadda looga qaadi lahaa,” ayuu yiri Reath Muoch Tang, Guddoomiyaha Guddi Xiriirka Dibadda ee SPLM-IO, oo warbixin ku daabacay boggiisa Facebook.

“Xarigga Madaxweyne ku-xigeenka iyadoo aan la marin geeddi-socod sharci ah waxay dhaawacaysaa sharciga, waxayna khatar ku tahay xasilloonida qaranka,” ayuu yiri Tang.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa hore u shaacisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dagaallo ka dhaceen duleedka Juba, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamo daacad u ah Madaxweyne Kiir iyo kuwa taabacsan Machar.

Heshiiskii awood-qaybsiga ee u dhexeeyay labada hoggaamiye ayaa bilooyinkii u dambeeyay wajahayay cadaadis, iyadoo xukuumadda Kiir ay xirtay saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Machar, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Batroolka iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka.

Xisbiga SPLM-IO ayaa sidoo kale sheegay in saldhig ciidan iyo laba xarumood oo tababar milatari ah oo ku yaalla duleedka Juba ay weerareen ciidamada dowladda tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Garowe Online – Juba

Related Articles

Abiy oo Shacabka Tigray u Sheegay Inay Email ku Codeeyaan Kadib Khilaaf Siyaasadeed

Baaqan ayaa daba socday khudbad uu dhowaan ka jeediyay baarlamaanka…

  • Afrika

    27-03-2025

  • 08:51AM

Isku Shaandhaynta uu Ruto Sameeyey: Maxaa Sababay Xilligaan Xasaasiga ah?

Waxaa si cad loogu arkay magacaabista Dr. Caroline Karugu, oo si dhow ula safnayd…

  • Afrika

    27-03-2025

  • 02:30AM