Mareykanka oo raba in uu Kenya ka fuliyo duqen ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka ayaa ka fekeraya in uu duqeymo cirka kula beegsado Al-Shabaab gudaha Kenya. Waaxda Difaaca iyo madaxweyne Donlad Trump waxay ansixinayaan go'aankan, sidda ay wararku xusayaan.

Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa saraakiil Ameerikaan ah kasoo xigtay in duqeymaha ay si gaar ah uga dhacayaan ismaamulada Lamu iyo Garissa, halkaasoo dagaalameyaasha Al-Shabaab ay joogitaan ku leeyihiin.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa fulinaya weeraradan dhanka hawada, iyadoo awoodooda la xadidayo.

Afhayeeno u hadlay AFRICOM iyo Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka oo xaqiijiyey qorshahaan ayaa ka gaabsaday in ay fahfaahin dheeriya bixiyaan.

"Mareykanka wuxuu mar walba doonayaan in uu ilaaliyo badqabka muwaadiniintiisa iyo ciidamadiisa ka jooga Kenya," ayuu yiri afhayeenka Wasaarada kaasoo ku daray "wax walba waanu u qaadeynaa arrintaas".

Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo dowladda Kenya ayaanan ka jawaabin codsiyo loo diray kuna saabsanaa in ay tafaasiil ka bixiyaan hindisahaan.

Washington ayaa haatan Al-Shabaab ku beegsata gudaha Soomaaliya, halkaasoo diyaaradaha ku duqeeya maleyshiyada kasoo duulaan Kenya iyo Jabuuti.

Qorshahaan cusub ayaa la aaminsan yahay in uu cadaadiska ku kordhinayo Al-Shabaab kuwaasoo muddooyinkii dambe xoojiyey beegsiga saldhigyada Ameerikaanka ee labada dal dil iyo dhaawacna ugu geysteen askar Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM