Ra'iisul wasaaraha Suudaan oo isku day dil ka badbaadey

Image
Image

KHARTUUM, Sudan – Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk, ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu magaalada caasimada ah ee Khartuum uu ka badbaadey isku day dil, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

"Qaraxa wuxuu haleelay gaariga ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo socda, balse ALLE ayaa ku mahadsan ma uusan ku dhaawacmin," sidaas waxaa yiri Ali Bakhit, agaasimaha warfaafinta xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan. Si lamid ah, ma cadda qaabka loosoo abaabulay weerarka.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujiyey burbur xoogan oo soo gaaray gaariga la beegsaday.

Xamduuk, oo ah dhaqaaleyahan caan ah, ayaa jagada ra'iisul wasaaraha loo magacaabay bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay kadib banaanbax isbedel doon ah oo xilka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir.

Kadib markii uu xafiiska la wareegay wuxuu balanqaadey in uu wax badan ka qaban doono xaaladaha dhibaato dhaqaale ee ka jira waddankaas. Muddo ku suntay 30-sano ayuu haystaa waaya-aragnimo dhanka dhaqaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM