Ruux ka digay "weerarkii ugu xumaa" oo Al-Shabaab maleegeyso oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka Booliska degaanka Bomet ayaa Axadii soo qabtay nin bartiisa Facebook kaga digay weerar argagixiso oo ka dhici kara Koleej ku yaala ismaamul goboleedka Nakuru ee dalka Kenya.

Laanta dambi-daabirista oo qoraal kooban soo dhigtay boggeeda gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaqsiga magaciisa ku sheegtay Timothy Koech oo loo garan og-yahay Joseph Langat.

"Iyaddoo loo marayo baaritaan iyo mukhaabaraad, saraakiisu waxay xireen la tuhunsane daabacay macluumaadyo digniin ah. Joseph Langat wuxuu ka digay in Al-Shabaab qarxi karto Koleej," ayay tiri.

Fariinta la tibaaxay in Joseph Langat uu ku baahiyey Facebook ayaa ku xusay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn Timothy Koech.

"Magaceyga dhabta ah waa Maxamed oo kasoo jeeda Soomaaliya…Kenyanku dhaqso bey wax ilaabaan," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan Jaamacadda Garissa ku dilnay 68 arday. Weerarkaan wuxuu noqon doona midkii ugu xumaa".

Ruuxaan ayaa daboolka ka qaadey in mitidiin aad u hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ku sugan yihiin magaaladda Rongai.

La tuhunsanaha oo laga soo xiray xaafadda Chepngaina ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago dhowaan, si uu u wajaho sharciga.

Bileyska ayaa tibaaxay in la hubiyey in hadii shaqsigaan uu hadalkaas u soo qoray kaftan ahaan, balse ay sii wadayaan baaritaanka.

Sikastaba, hadii lagu helo dambigaas, waxaa uu xabsi ku qaadan karaa in ka badan 20-sano, sidda uu xeerinayo sharciga la dagaalanka argagixisadda Kenya gaar ahaan qodobkiisa 26aad oo arrintaan ka hadlaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM