Saraakiil lala xiriiriyey TPLF oo la amray in lasoo xiro

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga federaalka booliska Itoobiya ayaa Jimcadii wuxuu soo saarey amar lagu soo xirayo afartan [40] sarkaakiil hore iyo qaar baxsaday oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka, Ciidanka Difaaca iyo Bileyska.

Guddiga ayaa ku eedeeyay latuhunsaneyaasha in ay maleegeen afduubka askar ka tirsan Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo xubno kamid ah bileyska federaalka.

Sidda ay ku warantay FANA oo kamid ah warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, falkaas qafaalashadda ah ayaa dhacay 5-tii November, 2020.

Hasa ahaatee, warbixinta laguma caddeyn goobta uu ka dhacay afduubka. Balse wararku waxay ku qeexayaan gobolka waqoyga ku yaala ee Tigrayga.

"Ayaga oo dhinac iska dhigay mas'uuliyaddii ay u idmadeen dowladda iyo dadka Itoobiya, waxay waajibaad kasoo qaatay cayayaanka nabad-diidka ah ee fadhigoodu yahay Tigray," ayaa lagu soo xiray qoraalka guddiga bileyska.

Tan iyo markii uu bishii hore qarxay dagaalka ciidanka dowlada iyo xoogaga TPLF, xukuumadda Addis Ababa ayaa soo saareysay amar lagu soo qabanayo hogaamiyeyaasha jabhadda iyadda oo cuskaneysa eedeymo kala duwan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore wuxuu iclaamiyey in lasoo gabagabeeyo howlgalka kadib markii ay qabsadeen caasimad Mekelle. Hasa ahaatee, xafiiskiisa wuxuu qiray in isku-dhacyo teel-teel ay dhacayaan.

TPLF ayaa hogaanka u haysay siyaasadda Itoobiya kahor inta uusan xukunka imaan Itoobiya 2018-kii. Xiisada ka bilaabatay is-qabqabsi siyaasadeed iyo mid doorasho ayaa u muuqatay in dhinacyadda u jiiday furimaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM