Shabaab oo baraha bulshada "ku faafisey" fursado shaqo been abuur ah

Image

LAMU, Kenya – Odayaasha dhaqanka iyo culimada gobolka Lamu ayaa waxay shaaca ka qaadeen in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay baraha bulshadda Kenya ku faafisay xayeysiiyo shaqo oo been abuur ah.

Nuuradiin Saney, oo kamid ah culimada, ayaa ujeedka laga leeyahay arrintaas ku sifeeyay si loosoo jiito isla markaana lagu duufsado da'yarta.

Shaqooyinka oo noocyo kala duwan ah ayuu tibaaxay in ay yihiin kuwa loo sheegay dhalinyaradda in ay leeyihiin mushahar fiican.

Shabakad "aan laga shakineyn oo aad looga garanayo gudaha Soomaaliya isla markaana soo dhaweeya xubnaha la diiwaan-geliyo" ayay daboolka ka qaadeen in ay wadaan howshaas.

Dhankiisa, Ustaad Axmed Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in bartilmaameedka uu yahay da'yarta Soomaalida ah ee ku nool degaanadda Kiunga iyo Ishakani oo hoostaga gobolka Lamu.

"Badi shaqsiyaadka iyo hay'ddahaas waxay isku qeexayaan in ay hoostagaan Qaramadda Midoobay," ayuu ku nuux-nuuxsaday Cumar.

Dowladda dhexe ee Kenya ayay ka codsadeen in ay la tacaasho shaqo la'aanta si dhalinyaradda aanan looga faa'iideysan dhibaatooyinka ay wajahayaan.

Hadalka xubnahaan ayaa kusoo aadaya xili xukuumadda Nairobi ay dardargelisay siyaasadeed ku wajahan sidii loo yareyn lahaa dhalinta la duufsanayo kadib markii ay kordheen weerarada xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM