Shabaab oo gurigiisa "ku dishay" oday waayeel ah iyo neef Ari uu lahaa

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaa Jimcadda maanta ah degaanka Ijara ee ismaamulka Garissa ku toogtay oday 80-sano jir ah, kadib markii ay ku duuleen hoygiisa, sidda ay warisay warbaahinta.

Cabdullaahi Faarax ayaa lagu dhex-khaarijiyey hoygiisa oo ku yaala xaafadda Sangole, abaare salaadii Jimcaha kadib.

Nicodemus Ndalama, isu duwanaha ammaanka ee gobolka Waqooyi-Bari, ayaa Daily Nation u sheegay in gacan ku dhiigleyaasha oo ay ku raad-joogaan tiradoodu gaareysay shan illaa iyo tobban.

"Warbixinadda ayaa muujinaya in maleeyshiyaadka ay baadigoobayeen wiilka odayga waayeelka oo kamid ah bileyska keydka," ayuu raaciyey.

Falkaan ayuu xusay in uu dhacay iyaddoo laamaha ammaanka ay qorsheynayeen in ay raando ka bilaabaan aaga ay wax ka dhaceen.

Jaraa'idka kasoo baxay magaalada Nairobi ee The Nation ayaa ku waramay in dableyda ay goobta ku gowraceen neef Ari ah oo uu lahaa odayga waayeelka ah isla markaana ay horey usii qaateen hilibkiisa.

"Kadib markii kooxda weerarka soo qaadey ay waayeen bartilmaameedkooda waxay damceen in ay dilaan qof walba si ay uga tagaan fariin," ayuu ku daray Ndalama, oo ku goodiyey "talaabo adag".

Dhinaca kale, dagaalameyaal Al-Shabaab ah ayaa isku dayey in ay weeraraan xarun caafimaad oo ku taala degaanka Hulugho, balse waxay ku guuleysteen in ay waxyeelo gaarsiiyaan albaabka laga soo galo.

Gobolada Garissa, Wajir iyo Mandera oo xudun u noqdey dhaqdhaqaaqyadda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa barakiciyey ajaaniibta. Si lamid ah, waxay sababeen in Kenya wax ka bedesho tirtirka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM