Shaqsi lala xiriiriyey Al-Shabaab oo mar kale xabsi loo taxaabay

Image

MOMBASA, Kenya – Booliska ismaamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay ruux looga shakiyey Al-Shabaabnimo kaasoo sidoo kale la aaminsan yahay in uu ka dambeeyay falal burcadnimo ah.

Cabdullaahi Xasan Nuurdiin ayaa lasoo xiray markii uu kasoo muuqdey Kaamirooyinka qarsoon isagoo dhac u geysanaya laba qof oo ay ku jirto gabar yar oo iskuul dhigata.

Nuuradiin ayaa lagu arkay muuqdaalka isagoo uu wehliyo qof kale oo aan wali la aqoonsanaya kana gudbaya waddo.

Dhibanaha oo magaciisa la qariyey ayaa dib u xasuustey wixii habeenkaa lagu sameeyay kahor inta aan la dhicin.

"Mid kamid ah indhaha ayuu wax iiga farjiyey, kadib waxay qaateen telefoonkeyga, kadibna mar kale ayay indhaha wax iiga farjiyeen kahor inta aysan baxsan," ayuu tibaaxay.

Eedeysanaha ayaa Talaadadii laga soo qabtay hoygiisa kadib markii ay ku duuleen ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran.

Taliska Booliska oo Nuuradiin ku tilmaamay "dambiile khatar badan" ayaa sheegay in uu maxkamadeyn suge u ahaa kiis la xiriira argagixisada gaar ahaan inuu kamid yahay ururka Al-Shabaab.

"La tuhunsanaha horey baa maxkamad loogu soo taagey isagoo lala xiriirinayo argagixisada Soomaaliya. Sikastaba, waxaa kadib lagu soo damaanad," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka bileyska.

Ugu dambeyntii, shacabka iyo waalidiinta ayaa lagu booriyey in aysan waddo qaldan u furin caruurtooda isla markaana aysan difaacin illaa iyo ay ka maraan sharciga marka lagu soo qabto dambi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM