Shiinaha oo ku fekeraya qorshe culus kana dhan ah Al-Shabaab

Image

BEIJING, China – Shiinaha ayaa loo badinayaa in ay Itoobiya iyo Jabuuti ku daabuli doonto qandaraasleyaal madaxbanaan oo dhanka amniga ah si ay uga hortagto in Al-Shabaab beegsato ganacsigiisa, sidda uu wariyey Foreign Policy.

Xukuumadda Beijing ayaa wadamadan dhaca Geeska Afrika wuxuu ka hirgeliyey mashaariicyo waaweyn kuwaasoo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah.

China ayaa haatan saldhig ciidamada badda ku leh Jabuuti, waxaana talaabooyinka cusub ka faa'iideysan karta xulafada Mareykanka sidda Sacuudiga oo ka walaacsan in Al-Shabaab burburiso ganacsigadda Badda Cas.

Hasayeeshee, talaabadan cusub ayaa dharbaaxo ku ah danaha Mareykanka, arrintaas oo xoojin karta loolanka reer Galbeedka iyo dowlada Shiinaha.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaanan isku qidad ka ahayn la dagaalanka argagixisadda Soomaaliya, waxaana halkaas kasoo baxaysa danaha iska soo horjeeda ee awoodahan taasoo saameyn karta Ciidamadda Xoogga.

"Shiinaha ma uusan u qorsheyn istiraatiijiyad uu ka hortago argagxisiada Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray ilaalinta danahiisa ganacsi," ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay Jariiradda Foreign Policy.

Qormada ayaa lagu soo xiray: " Danaha cidhiidhiga ah ee Shiinaha ayaa ku qasbi kara ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay kaligood kula dagaallamaan aagagga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya halkaas oo Hindisaha China isugu balaarinay qaarada Afrika ee Belt iyo Waddo uusan ka tallaabin".

Maleyshiyada Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa haatan joogitaan ku leh Soomaaliya iyo Kenya, balse waxaa laga cabsi qabaa in ay fariismo qorsoodi ah ku leedahay dalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM